1. Aqbalaadda
Markaad isticmaasho Soomi, waxaad ogolaatay shuruudahan. Haddii aadan ogolayn, ha isticmaalin app-ka.
2. Adeegga
Soomi waa app barasho Ingiriisi ah oo leh casharro, ciyaaro, iyo focus paths. Waxaan isku daynaa in adeeggu shaqeeyo 24/7 laakiin ma dammaanad qaadno in uu had iyo jeer online yahay.
3. Lacag bixinta
Iibashada Focus paths iyo Premium waxaa lagu bixiyaa banaanka app-ka (browser) iyadoo la adeegsanayo M-Pesa, EVC Plus, E-Dahab, ama eBirr. Lacag celin waxay ku xiran tahay siyaasadda bixiyaha lacagta.
4. Akoonkaaga
Waa inaad ilaaliso xogta gelitaanka. Waxaad mas'uul ka tahay wax kasta oo ka dhaca akoonkaaga.
5. Isbeddel
Waxaan cusbooneysiin karnaa shuruudahan. Isbeddelka weyn waxaa lagu ogeysiin doonaa app-ka gudahiisa.